
Ciidanka halyeeyada dowladda Jubbaland ayaa saaka fashiliyey weerar ay maleeshiyaadka Khawaarijta naf-lacaariga ah doonayeen inay ku qaadaan deegaanka Diif ee gobolka Jubbada hoose.
Ciidanka oo helay xogta maleeshiyaadka ayaa qaaday howgal culus, waxaana halkaas cagta lagu mariyey dhamaan maleeshiyaadka weerarka qorsheeynayay, iyadoo qaar la dilay, qaarna ay carareen.