
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Jubbaland, Marwo Fadumo Ali Abdikarim iyo Agaasimaha Guud ee Wasaradda, Mudane Abdullahi Ahmed Abdullahi oo safar shaqo ku joogo Degmada dhobleey oo ay wehliyaan Maamulka Degmada Dhobley, Iskuduwaha Degmada dhobley ee wasaaradda Hawlaha guud ee Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose ayaa dhagax Dhigay Garoonka kubada Cagta Degmada Dhoobleey.
Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Engineer ka socday AUSSOM Sector Two ee magaalada Dhoobleey Garoonka dhisay.
Sidoo kale waxey masuuliyinta ay wasiir ku xigeenka Hogaamineyso booqdeen Xarunta dhalinyarada Ee Degmada dhoobley oo Dib u habeyn iyo qalabeyn lugu sameeynaayo si ay dhalinyarada reer dhoobleey loogu adeego




