Wasaaradda Kalluumeysiga Jubbaland oo tababar aqoon korarsi ah uqabatay qaar kamid ah howl-wadeenadeeda

33
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha buluuga Dowladda Jubbaland ayaa tababar lagu kordhinayo xirfadoda u qabatay howl-wadeenada Wasaaradda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga Dowlada Jubbaland Mudane Maxamuud Cabdi Axmad ayaa tababar uga Daahfuray Magaalada Kismaayo qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda ,Kuwaas oo loo Diyaarinaayo sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen, diiwaan-galinta iyo xog-uruurinta Iskaashatooyinka Kaluumaysiga Deegaanada Jubbaland.
Barnaamijkaan oo Sare u qaadaya xoojinta Maalgalinta iyo Aqoonta Kaluumaysatada ayaa Socon doona Muddo 10-Maalmood ah, Iyadoo ka faa’iidaystayaasha Tababarkan ay qaadan doonan casharo wax-tar wayn u leh bahda kaluumaysatada iyo wax soosaarka Khayraadka buluuga deegaanada Dowlada Jubbaland.