Munaasabadda  8-da Bisha Maarso Maalinta Haweenka aduunka oo Kismaayo laga xusey

23
Munaasabadda  8-da Bisha Maarso Maalinta Haweenka aduunka, ayaa Magaalada kismaayo lagu qabtay Munaasabadan oo lagu xusaayo Maalinta Haweenka aduunka gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed Maadama looga hadlo Xuska Caqabadaha horyaala Dumarka, Sida lagu soo afjari karo Tacadiga jinsiga, iyo dhiiri-galinta Hormarinta Haweenka reer Jubbaland.
Xaflada oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka arimaha qoyska iyo Xuquuqul insaanka Dowladda Jubbaland ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Xildhibaano Agaasimayaal Guud Gudoomiyaasha Haweenka Gobolka iyo Degmada Kismaayo ururada Haweenka, Xubno ka socday Hay’adaha Ka shaqeeya arimaha Haweenka iyo Marti Sharaf kale.