
Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Kismaayo ahna Xoghayaha Dowladda Hoose, Mudane Daahir Xuseen Cabdi, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Kismaayo, Mudane Najiib Bare Salaad, oo ay weheliyaan qaar ka mid ah guddoomiyaasha xaafadaha iyo saraakiil ciidan, ayaa booqasho indho-indheyn ah ku tagay waddooyinka dhex mara Xaafadaha Magaalada Kismaayo.
Booqashadan ayaa diiradda lagu saaray waddooyin si sharci-darro ah loo deegaameeyay iyadoo masuuliyiintu ay u kuurgaleen xaaladda waddooyinka iyo dadka si sharci-darro ah u dhistay meheradaha ku yaalla wadooyinka bulshada u dhexeeya.
Intii ay booqashada ku guda jireen, mas’uuliyiintu waxay dadka ku nool goobaha si sharci-darro ah loo degaay ku amreen inay si degdeg ah uga guuraan waddooyinka, si loo soo celiyo bilicda iyo shaqada waddooyinka loogu talagalay.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Hoose ee ku aaddan ilaalinta sharciyada iyo nidaamka magaalada Kismaayo, iyadoo lagu dadaalayo in la xalliyo bilicda iyo horumarka magaalada.