
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Dhiriq, ayaa maanta xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Madaxa Hay’adda International Committee of the Red Cross (ICRC) ee Soomaaliya, Mr. Antoine, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku yimid Magaalada Kismaayo.
Kulanka oo uu qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Ayaanle Xuseen, ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray shaqada muhiimka ah ee ay ICRC ka waddo gudaha Jubaland. Hay’addu waxay si gaar ah uga shaqeyneysaa la tacaalidda dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha iyo xaaladaha bini’aadantinimo ee saameeyay dadweynaha ku nool deegaannada Jubaland.
Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya Wasaaradda iyo ICRC si loo gaaro dadka nugul, loona hormariyo dadaallada gurmadka iyo taageerada bini’aadantinimo ee gobolka.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay wafdiga ICRC shaqada ay ka qabteen Jubaland, isagoo ballan qaaday inay Wasaaraddu sii wadayso wada shaqeynta joogtada ah si wax looga qabto caqabadaha ka jira deegaannada ay abaaruhu saameeyeen.