Madaxweyne Ku Xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubbaland oo doloow kulan kula yeeshay Hay’adaha Gargaarka.

24

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa kulan muhiim ah degmada Doolow kula qaatay xubno ka socday hay’adda haa’yaddah gargaarka ee ka howlgala Degmada Doolow.

Kulanka waxaa Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ku wehelinayay mudanayaal ka tirsan golaha wasiirada, maamulka gobolka Gedo, kan degmada Doolow, iyo masuuliyiin kale.

Shirka ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray sidii hay’adaha samafalka kaalintooda uga qaadan lahaayeen wax ka qabashada saameynta ka dhalatay dagaallada ku soo noq-noqday degmada Luuq ee gobolka Gedo, oo shacab badan ay ku barakaceen.

Madaxa ugu sareeya hay’adda UNOCHA ee Soomaaliya, Crispen Rukasha, oo safar shaqo ku tagay degmada Doolow, ayaa Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, u sheegay in hay’adaha samafalka ay wax badan ka qaban doonaan dadka ku barakacay colaadda beeleedyada, isla markaana ay sii laba laabi doonaan gargaarka bini’aadamnimo ee ay gaarsiinayaan dadka tabaaleysan.

Ugu dambeyn, Madaxweyne ku xigeenka ayaa masuuliyiinta hay’adaha samafalka uga mahadceliyay kaalinta muuqata ay ku leeyihiin garab qabashada dadka nugul, isagoo ku booriyay in ay halkaas ka sii wadaan dadaalkooda ku aaddan ka jawaabista baahiyaha bulshada ee danta yar.