Dowladda Hoose ee Kismaayo oo Bilowday Olole Nadaafadeed.

136

Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo ayaa bilowday olole nadaafadeed oo ka socda waddada halboolaha ah ee dhex marta bartamaha magaalada.

Ololahan ayaa looga golleeyahay in kor loo qaado bilicda magaalada, lana xaqiijiyo nadaafadda guud ee deegaanka.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, shaqaalaha nadaafadda, iyo qaar ka mid ah bulshada deegaanka ayaa si wadajir ah uga qayb qaatay hawshan, iyagoo ka shaqaynaya nadiifinta waddooyinka, ka saarista qashinka, iyo hagaajinta goobaha muhiimka ah ee magaalada.