
Madaxweyne Ku-xigeenka labaad ee Dowladda Jubbaland, Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Jubbaland, Agaasimaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Jubbaland, iyo Guddoomiyaha Deegaanka Janaa Cabdalle, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Deegaanka Janaa Cabdalle.
Mashaariicdan, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Jubbaland, ayaa lagu doonayaa in lagu horumariyo adeegyada aasaasiga ah ee deegaanka, iyadoo diiradda la saarayo baahiyaha bulshada ee ku aaddan tamarta iyo biyaha.
Guddoomiyaha deegaanka Janaa Cabdalle ayaa uga mahadceliyey Dowladda Jubbaland dadaalka ay ku bixinayso horumarinta bulshada deegaanka, isagoo tilmaamay in mashaariicda cusub ay yihiin kuwo waxtar u leh dhammaan bulshada deegaanka.
Dhammaadka munaasabadda, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo wafdigiisa ayaa kormeer ku sameeyay mashaariicda la dhammaystiray, iyagoo xaqiijiyey in adeegyadaasi ay si hufan ugu adeegayaan shacabka.




