Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Jubbaland ayaa xukuno kala duwan ku riday dhagarqabayaal Maleeshiyaadka Khawaarijta la shaqeyn jiray.”

18
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysigii ugu dambeeyay ee kiisaska ay eedeysanayaal ka yihiin Mukhtaar Cabdi Aadan, Maxamed Daahir Ibraahim, Jamaal Cabdi Maxamed, Maxamed Cabdi Cabdulaahi Baajuuni, Maxamed Faarax Cabdi, Ugaas Saciid Saciid, iyo Nimco Cabdirisaaq Maxamed.
Eedeysanayaasha ayaa dhammaantood lagu soo eedeeyay in ay la shaqeeyaan Kooxda Khawaarijta, waxaana Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Ciidamada Jubbaland soo bandhigay dacwado culus.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa furay fadhiga maxkamadda, isagoo sharaxay eedaha loo heysto toddobada eedeysanayaal, oo mid kamid ah ay dumar tahay.
Xeer-ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, Gaashaanle Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali, ayaa maxkamadda ka hor akhriyay kiisaska ay ku eedeysan yihiin eedeysanayaasha.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa eedeysanayaasha weydiiyay haddii ay jiraan wax dood ah oo ay ka qabaan kiiska uu Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ku soo oogay.
Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda.