Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Jubbaland ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ay mas’uul ka yihiin dagaalkii lagu Soo qaaday 5-tii February 2025 Maamulka iyo Shacabka Degmada Baardheere ee gobolka Gedo, Dagaalkaas ayaa sababay khasaare nafeed, dhaawacyo, iyo burbur hantiyeed, iyadoo Jubbaland ay ku Canbaareysay kooxdaas inay maslaxadooda siyaasadeed ku xalaaleeyeen dhiigga shacabka.
Wasaaradda ayaa Sido kale ka Digtay in kooxda Xasan Sheekh ay rabaa in Markale ay Diig Ku daadiyaan Dagmooyinka Belad-xaawo iyo Garbahaarey ee Gobolka Gedo.