Shirkadda Hass Petroleum oo Kismaayo ka Hirgalisay Xarun Cusub bixisa Adeegyo kala duwan.

30
Shirkadda Hass Petroleum oo bixisa adeegyada Shidaalka, Dhaqista Gawaadhida, Gaaska cuntada lagu karsado iyo adeegyo kale ayaa Magaalada Kismaayo ee caasimadda ku meel gaarka ah ee Jubbaland ka hirgalisay xarumo cusub oo ay bulshada ugu adeegi doonto.
Xafladan xariga jarka ah ayaa waxaa ka soo qayb galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Jubbaland, Gudoomiyaha degmada Kismaayo, Masuuliyiin Ka socotay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland,Ganacsato, odayaasha dhaqanka iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan.
Shirkadda Hass ayaa dhidibada loo taagay Sanadii 1997-dii iyadoo Soomaaliyana xarumo ka furatay 2013-dii.