Jubbaland oo howlgal qorshaysan ku qaarijisey rag ka tirsan amniyaadka khawaarijta

23
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran Jubbaland ee loo carbiyay la dagaalanka kooxaha Argagixisada ayaa u daatay guri ku yaala xaafadda New Kismaayo, kaasi oo ay ku jireen sadex kamida Argagixisada gaar ahaan kuwa qaabilsan madax jabiska sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah saraakiisha ammaanka.
Ciidamada Jubaland gaar ahaan kuwa gaarka ah ee qaabilsan ladagaalanka Argagixisada oo hayay xogta dhagar qabayaasha, ayaa ku guuleystay in sadexdii dhagar qabe labo kamida ay dilaan, halka kii kalana ay nolosha ku qabteen.
Dhagarqabayaasha waxa ay qorsheenayeen in ay magaalada ka fuliyaan dilal qorsheysan, iyo khaarijinta xubno muhiim ah.