Wasaaradda Waxbarashada Hidaha Tacliinta sare ee Dowladda Jubbaland ayaa Tababar u qabatay Maamulada iskuulada Degmada Kismaayo.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda ayaa goob joog ahaa Daahfurka Aqoon kororsi ku saabsan Hormarinta Maamulka iyo Xalinta Khilaafaadka.
Tababarkaan ayaa ah mid kor loogu qaadaayo Xirfada iyo aqoonta Maamulayaasha iskuulada ku yaala degmada kismaayo Waxaana ka faa’iideysanaya inta badan Maamulada iskuulada Degmada Kismaayo.
Axmed Faarax Ali Aweys Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sarre ee Dowladda Jubbaland ayaa Maamulada iskuulada degmada ugu baaqay in wixii ay ka faa’ideen Tababarka ay Shaqadooda ku dabaqaan.
Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubbaland ayaa dadaal badan ku bixineysa sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfada Maamulada iyo Macalimiinta Wax ka dhiga iskuulada iyo Madaarista kale ee ku yaala Guud ahaan Degmooyinka iyo Deegaanada Jubbaland.