Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Jubaland ayaa Maanta booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Xerada Ciidamada Daraawiishta Jubaland ee ku sugan Magaalada Baardheere, Gobolka Gedo.
Booqashadan ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Jubaland Mayaas Xirsi Dheere, oo uu Weheliyo Gudoomiyaha Dagmada Baar-dheere, Aadan Muxumed Axmed (Dhaga-Cade) iyo Gudoomiye ku xigeenka Dagmada.
Mas’uuliyiintan ayaa ciidamada ku bogaadiyay dedaalkooda geesinimada leh ee ay ugu jiraan difaaca Diinta, Dalka, iyo badbaadada Dadkooda. Waxay si gaar ah ugu mahadceliyeen Taliska Ciidanka doorka ay ku leeyihiin sugidda Amniga Magaalada Baardheere, oo ay shacabka ku nool ka cabanayaan dhibaatooyin ka dhashay siyaasadaha muranka dhaliyay ee Dowladda Federaalka ay Gobolka ku waddo.
Intii ay booqashadu socotay, Mas’uuliyiinta ayaa ku dhiirrigeliyay Ciidamada in ay sii wadaan dadaalkooda, iyagoo ku ammaanay hawlgallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo Nabadda iyo Xasilloonida Magaalada.
Booqashadan ayaa muujisay sida Jubaland ay uga go’an tahay taageerada ciidamada iyo kaalmeynta bulshada, iyada oo loo marayo dadaallo lagu xoojinayo amniga iyo midnimada shacabka Baardheere.