Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta u fariisatay dhageysiga kiis uu eedeysane yahay Mukhtaar Cabdi Aadan (Hoobiye), oo ahaa sargaal ka tirsan Ciidamada Jubbaland, isla markaana loo heysto la shaqeynta Kooxda Khawaarijta.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa furay fadhiga Maxkamadda, isagoo sheegay in dhinacyada dacwadda ay u furan tahay soo bandhigista dacwadooda ku aaddan eedeysanaha Mukhtaar Cabdi Aadan.
Ugu horreyn, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, Gaashaanle Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali, ayaa Maxkamadda ka hor aqriyay kiiska ay ku eedeynayaan Mukhtaar Cabdi Aadan (Hoobiye), isagoo sheegay in eedeysanaha la shaqeynta Khawaarijta uu bilaabay sanadkii 2021, wuxuuna u qaabilsanaa gudbinta xogaha Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland. Baaritaanka kiiskaan ayaa lagu ogaaday Xafiiska Dambi-baarista iyo Ciidamada Qaaska ah ee Jubbaland, kuwaas oo iska kaashaday baarista kiiska eedeysanaha Mukhtaar Cabdi Aadan.
Intaas kadib, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa eedeysanaha weydiiyay kiiska uu kusoo oogay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland.
Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda, isagoo sheegay in mar kale Maxkamaddu ay fadhi ka yeelan doonto eedeysanaha Mukhtaar Cabdi Aadan.