Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Furdooyinka, taas oo sanad walba maanta oo kale laga xuso guud ahaan dunida.
Munaasabadda xuska Maalinta Caalamiga ah ee Furdooyinka waxaa ka soo qaybgalay Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Dowladda Jubaland, Mudane Cabdiqaaadir Xaaji Maxamuud, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Mahad Sheekh Cabdi, xubno ka socday Golaha Wasiirrada iyo Golaha Wakiillada Dowladda Jubaland, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Dakhliga, qeybaha kala duwan ee ganacsatada magaalada Kismaayo, iyo ururada bulshada rayidka ah.
Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Dowladda Jubaland, Mudane Cabdiqaaadir Xaaji Maxamuud, oo munaasabadda furay, ayaa amaanay madaxda iyo dhammaan shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda oo dadaal badan ku bixiyay horumarinta adeegyada casriga ah ee Kastamyada.
Gabagabadii munaasabadda, abaalmarino kala duwan ayaa lagu gudoonsiiyay qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Kismaayo iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya xafiisyada Kastamyada, kuwaas oo muujiyay dadaal dheeri ah.