Gudoomiyaha degmada Badhaadhe oo ku guulaystay midaynta Ciidanka

44

Guddoomiyaha degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose Xasan Nuur Cabdi ayaa ku guuleystay in uu si nabad ah kusoo xareeyo ciidan kamid ah kuwii uu horay u iibsaday guddoomiyihii hore ee degmadaasi kuwaas oo ay dowladda fadaraalka muddo dheer juhdi badan ku bixinaysay sidii ay u abuuri lahaayeen falal liddi ku ah amniga iyo kala dambeynta ka jirto deegaanka Kulbiyow ee degmada Badhaadhe.

 

Ciidankan oo hore loo qalday ayaa wadahadaldheer kadib gareystay in ay dadkooda iyo deegaankooda ka baaqsadaan in loo isticmaalo sidii ay dhibaato ugu horseedi lahaayeen.