Deegaanka Shabeeleey oo qiyaas ahaan ah 30KM dhinaca galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ayaa dadka shacabka ah ee ku nool waxa ay sheegeen in ay soo food saartay biyo yari, maadaama la’galay xilligii jilaalka isla markaana Warahii ay ku tiirsanaayeen, ayna hadda yihiin kuwa guray.
Dadka deegaankaan ku nool oo lagu qiyaaso tiradooda 149 ayaa sheegay in sidookale ceel biyood la doonayey in laga qado halkaas uu dhanaan noqday, waxaa ay intaasi ku dareen in gar-gaarkii ay heli jireen ay xayiraad saartay dowladda Federaalka Soomaaliya ayna sheegeen in ay siyaasadeeysay gargaarkii loogu tala galay in la siiyo dadka shacabka, haddana ay yihiin kuwo dhibane u ah ficillada xun xun ee ay Xassan Sheeq iyo kooxdiisa ay ku haayaan deegaanada Jubbaland.
Waxaa kaloo ay sheegeen in biyo lagu keeno booyado iyo fuustooyiin lagu waraabiyo xoolo ay dhaqdaan oo u badan Ari, dadka wuxuu cabana ay hadda ay yihiin Waro gabaabsi ah oo oo sii guraya, sida guddoomiyaha iyo dadka deegaanka oo Radio Kismaayo la hadlay ay sheegeen.