Midowga Ururada Shaqaalaha Jubbaland oo Tababar Muhiim ah ka Daahfuray Kismaayo

38
Magaalada Kismaayo ayaa laga daahfuray tababar soconaya muddo laba maalmood ah, kaas oo ay soo qabanqaabiyeen Midowga Ururada Shaqaalaha Jubbaland.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray aqoon-isweydaarsi iyo latashi ku saabsan qabyo-qoraalka siyaasadda qaran ee la xiriirta kaabista iyo la-dagaallanka saamaynta isbeddelka cimilada.
Munaasabadda furitaanka tababarka ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubbaland, ahna ku-simaha Wasiirka, Ibraahim Maxamed Qoshow, Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Jubbaland, Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed, Guddoomiyaha Haweenka Degmada Kismaayo, Faadumo Maxamed Cabdi, Guddoomiyaha Ururka Guud ee Shaqaalaha Jubbaland, Maslax Cabdi Cumar, iyo xubno kale oo ka socday wasaaradaha iyo ururrada bulshada.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubbaland, ahna ku-simaha Wasiirka, Ibraahim Maxamed Qoshow, ayaa si rasmi ah u daahfuray tababarka, isaga oo sheegay in Jubbaland ay ku dadaalayso in ay hormuud u noqoto qorsheyaasha lagula tacaalayo saameynta isbeddelka cimilada.
Tababarkan ayaa la filayaa in lagu soo bandhigo talooyin iyo fikrado cusub oo lagu xoojinayo siyaasadda qaran ee isbeddelka cimilada, kuwaas oo waxtar u yeelan doona bulshada Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya.