Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ee Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Xassan Cumar, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahaan safar shaqo ku joogay Gobalk Lamu ee dalka Kenya ayaa kulan muhiim ah la qaatay mas’uuliyiinta ismaamulka Lamu ee dalka Kenya.
Kulanka, oo uu Wasiirka la yeeshay mas’uuliyiinta Lamu, waxaa ku wehlinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamuud Cabdi Axmed, ganacsato reer Jubbaland ah, iyo wakiillo ka socda Hay’adda Cunnada iyo Beeraha Qaramada Midoobey (FAO).
Kulanka ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Ganacsiga ee Lamu County, waxaana ka qeyb galay wakiil ka socday Rugta Ganacsiga gobolka Lamu.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray fududeynta ganacsiga xuduudka, maalgashiga wadajirka ah ee labada dhinac, iyo xoojinta amniga xuduudaha.
Mas’uuliyiinta ayaa isla garteen in la sharciyeeyo ganacsiga iyadoo la wadaagayo rukhsadaha iyo dukumiintiyada diiwaangelinta si waaxda kalluumeysiga loogu waafajiyo xeerarka caalamiga ah iyo shuruucda qaran.
Sidoo kale, waxaa xoogga la saaray sidii looga hortagi lahaa kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo muhiimadda furitaanka xadka si loo fududeeyo ganacsiga labada dhinac.
Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ee Dowladda Jubbaland iyo mas’uuliyiinta Lamu ayaa isku raacay in la xoojiyo iskaashiga si loo horumariyo ganacsiga iyo nabadgelyada gobolka.
Wafdigii uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga ee Jubbaland ayaa maalmahan ku hawlanaa sidii wada shaqeynta iyo iskaashiga loogu xoojin lahaa, iyadoo suuqa ganacsiga kalluunka loo noqon lahaa mid sare.