Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland ayaa si kulul u eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo kooxdiisa, iyagoo ku tuhmay in ay ka wadaan shirqoolo iyo abaabul dagaal xuduuda dheer ee u dhaxaysa Dowlada Jubbaland iyo Kenya.
Xildhibaanada ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid la doonayo in lagu naafeenayo xasiloonida Jubbaland ay shacabkeeda haystaan.
Iyagoo ugu baaqay dowladda Federaalka in ay joojiso arrintan iyo in ay ka fogaato isku dayo kasta oo xasillooni darro keeni kara.