Ururka Haweenka Jubbaland oo qabtay munaasabad lagu taageerayo dib udoorashada M.Axmed Maxamed Islam

21

Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha Dowlada Jubaland, Marwo Cadar Ismaciil Cabdullahi, ayaa munaasabad mahadcelin ah u qabatay haweenka reer Jubaland ee sida qurux badan uga soo qeyb qaatay ololaha dib u doorashada Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Sidoo kale, xafladda ayaa waxaa qeyb ka ahayd sagootin loo sameynayay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Haweenka Jubaland, Marwo Qamar Deeq Xaaji Khaliif oo dhawaan dib ugu soo laabatay magaalada Kismaayo.

Munaasabadda oo ahayd qado-sharaf haweenka reer Jubaland looga mahadcelinayay doorka muuqda ee ay ku lahaayeen doorashadii uu ku soo baxay Madaxweynaha Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha Jubaland, Marwo Cadar Ismaciil Cabdullahi, ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay dadaalka haweenka ee difaaca dowladnimada Jubaland.”