Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Jubbaland, Sareeye Gaas Yusuf Xuseen Cismaan Dhumaal, ayaa hambalyo ku aaddan xuska sannad-guurada 81-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed 20-ka December, oo maanta ku beegan, u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda.
Wasiirku wuxuu sheegay in Ciidanka Booliisku uu laf-dhabar u yahay xaqiijinta nabadda iyo amniga shacabka Soomaaliyeed, isagoo u rajeeyay guul iyo horumar meel kasta oo ay joogaan.