Dowladda Jubbaland ayaa shacabka ku nool Xaafadda Waabari ee deegaanka Raas-Kambooni ee degmada Badhaadhe, gobolka Jubbada Hoose, gaarsiisay deeq raashin ah, taas oo looga jawaabayay baahiyaha ka jiray deegaanka, oo shacabka ay usoo gudbiyeen maalin ka hor.
Wefdi ka kooban labada gole ee Dowladda Jubbaland, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland, ayaa ku sugan deegaanka Raas-Kambooni.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Jubbaland ayaa isla markii ka jawaabtay cabashada dadka deegaanka Raas-Kambooni, oo ay Xasan Sheekh iyo kooxdiisa khalkhal galin amni iyo go’doomin u gaysteen.
Xaafadaha kale ee Raas-Kambooni ayaa qorshuhu yahay in la gaarsiiyo gargaar deg-deg ah si loo daboolo baahiyaha aas-aasiga ah ee ka jiray deegaanka.
Tan iyo markii ay Dowladda Jubbaland ka hortagtay duulaankii uu Xasan Sheekh ku soo qaaday deegaanka Raas-Kambooni, waxaa socday dadaallo dib loogu soo celinayo dadkii deegaanka ka qaxay, ayna u heli lahaayeen adeegyada aas-aasiga ah ee ay waxyeeleeyeen kooxihii deegaanka yimid.