Deegaanka Qaam-Qaam oo laga hirgaliyey mashruuc weyn oo beeraleeyda deegaankaasi ka faa’iideysan doonaan.

17
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland ayaa dhagax dhigtay kanaal biyood loogu talagalay inuu biyo siiyo beeraleeyda Qaam-Qaam iyo deegaanada u dhow.
Munaasabadda dhagax dhigga waxaa goob-joog ka ahaa maamulka deegaanka iyo mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee dowladda Jubbaland.
Guddoomiyaha deegaanka ayaa sheegay in mashruucan ay ka faa’iideysan doonaan 500 oo qof oo loogu talagalay inay waraabiyo beerahooda.
Kanaalkan, oo noqon doona dhuun weyn oo biyaha ka soo qaada wabiga isla markaana u qaybiya beeraha, ayaa loogu talagalay in lagu waraabiyo dalagga beeraha.
Maxamed Xuseen Maxamed, agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland, ayaa ugu baaqay beeraleeyda deegaanka inay ka faa’iideystaan mashruucan, kaas oo hadda kadib xal rasmi ah u noqon doona doono baahiyaha xagga waraabka ee ka jiray Deegankan.