
Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa maanta laga xarig-jaray warshad soo saari doonta dhagaxa interlock ee lagu qurxiyo wadooyinka.
Maamulka Degmada Doolow, Taliyaha Booliska, ganacsatada, iyo culimada degmada ayaa ka qeybgalay xarig-jarista warshadda cusub ee ay soo kordhiyeen Onkod Congratulation and Supply Company.
Warshaddan ayaa ah tii ugu horeysay ee soo saarta dhagaxa interlock ee laga furay Gobolka Gedo.