Ciidamada ammaanka dowladda Jubbaland oo Gacanta Ku Soo Dhigtay Dhagar-qabe Bambo Gacmeed ku tuuray Isbitaalka Kismaayo

33

Dhagar-qabe Cali Shidaad Ayuub oo habeen hore bambo gacmeed ku tuuray Isbitaalka Weyn ee Magaalada Kismaayo ayaa laamaha ammaanka Dowladda Jubbaland gacanta ku soo dhigtay.
Ciidamada Nabad-sugida Dowladda Jubbaland ayaa si degdeg ah ugu jawaabay falkaasi, iyaga oo soo qabtay dhagar-qabihii falkaasi ka dambeeyey.
Cali Shidaad Ayuub, oo warbaahinta ciidamada Nabad-sugida Dowladda u soo bandhigatay, ayaa sheegay in muddo 7 sano ah uu ka tirsan yahay maleeshiyada Khawaarijta.
Tani waxay muujineysaa sida ciidamada Jubbaland ay si adag uga hortagayaan falalka amni-darro ee maleeshiyada Khawaarijta ay doonayaan in ay ku dhibateeyaan shacabka reer Jubbaland.
Dowladda Jubbaland ayaa wada dagaal culus oo ka dhanka ah maleeshiyada Khawaarijta, iyagoo ciidamada Nabad-sugida ay sheegeen inay sii wadi doonaan la dagaallanka kooxaha argagixisada iyo kuwa doonaya inay carqaladeeyaan ammaanka iyo xasiloonida gobolka.