Dowladda Jubbaland oo Sagootisay Dhalinyaradii uu Xasan Sheekh Maxamuud Soo Khalday ee Lagu Qabtay Dagaalkii Raas-Kambooni

66

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Jubbaland iyo saraakiil ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) ayaa sagootiyey wiilashii uu Xasan Sheekh Maxamuud soo khalday ee lagu qabtay dagaalkii Raas-Kambooni.
In ka badan 100 askari oo ka mid ah wiilasha Soomaaliyeed ee uu Xasan Sheekh soo khalday ayaa lagu qabtay dagaalkii Raas-Kambooni, waxaana diyaar gaar ah looga qaaday garoonka Raas-Kambooni.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Jubbaland, oo ay ka mid yihiin wasiirro, guddoomiyaha Kismaayo, iyo saraakiil uu hoggaaminayo taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa halkaas ka sagootiyey dhalinyaradii.

Dhalinyaradii uu Xasan Sheekh soo khaladay ee lagu qabtay Raas-Kambooni ayaa ka mahadcelisay sida ciidanka Dowladda Jubbaland ay u soo dhaweyeen markii ay qabteen.
Dowladda Jubbaland ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka ay masuul ka tahay fool xumadii ka dhacday Raas-Kambooni, iyadoo kusoo duushay deegaan nabad ah oo 2011-kii laga nadiifiyey Khawaarijta.

Arbacadii lasoo dhaafay ayaa ka dhacay dagaal culus oo ka dhacay Raas-Kambooni, waxaana ciidanka Dowladda Jubbaland ay kula wareegeen deegaanka.
Hadda, deeganka Raas-Kambooni waxaa ka jirta nabad iyo xasilooni, iyadoo amniga si buuxda gacanta ugu haya ciidanka Dowladda Jubbaland.