Wafdi ka socda Dowladda Jubbaland oo Booqday Deegaanka Buula Xaaji ee Koonfur Galbeed Kismaayo, gaarsiiyayna Gargaarka.

89

Deegaanka Buula Xaaji oo ku yaal Koonfur Galbeed Kismaayo ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda dowladda Jubbaland oo ka kooban Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada, Caafimaadka, iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Jubbaland.
Mas’uuliyiintan ayaa ujeedadoodu ahayd in ay dadka deegaanka ka taageeraan xaaladda bani’aadamnimo ee ka jirta deegaanka, iyadoo ay la socotay gargaar degdeg ah oo ay ku jireen raashin iyo agab kale oo muhiim ah oo bulshada la gaarsiiyay.
Gargaar muhiimka ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka deeganka ayaa ahaa mid wax ka taraya baahida ay qabaan dadka deegaanka,
Markii ay gaareen deegaanka, mas’uuliyiintan ayaa kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo kala hadlay arrimo muhiim ah sida taageerada caafimaadka, waxbarashada, iyo ciyaaraha, iyo sidoo kale sidii bulshada deegaanka loogu horseedi lahaa horumar iyo isbeddel wanaagsan.

Ugu dambeyntii, mas’uuliyiintu waxay bulshada u sheegeen in dowladda jubbaland ay sii wadi doonaan dadaalladooda ku aaddan bixinta gargaar iyo horumarinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada, iyadoo loo marayo iskaashi dhexmara wasaaradaha iyo hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya gobolka
. Bulshada ayaa si weyn uga mahadcelisay gargaarka la gaarsiiyay iyo booqashada mas’uuliyiinta, iyagoo rajeynaya in xaaladda deegaanka ay noqon doonto mid isbeddel wanaagsan ka sameysma mustaqbalka.