Wafdi ka socda Dowladda Jubbaland ayaa booqasho ku tagay Deegaanka Buur-gaabo, kaas oo ah taliskii ugu weynaa ee Ciidanka ATMIS ka baxeen.
Deegaanka Buur-gaabo ayaa haatan gacanta ku haya Halyeeyada Jubbaland, kuwaas sugay amniga guud ee dowlaldda Jubbaland.
Booqashadan ayaa waxaa horkacayay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Jubbaland, waxaana ay ujeedadoodu ahayd in ay la kulmaan bulshada deegaanka iyo madaxda maamulka, isla markaana ay qiimeeyaan xaaladda amni, gargaarka, iyo horumarka deegaanka.
Intii ay booqashada ku jireen, wafdigii ka socda Jubbaland ayaa la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka Buur-gaabo, kuwaas oo ka hadlay xaaladda nololeed ee deegaanka, baahiyaha aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, iyo sidoo kale amniga. Waxay sidoo kale la hadlayeen dadka deegaanka sidii looga shaqeyn lahaa sidii loo xoojin lahaa ammaanka deeganka.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Jubbaland ay sii wadi doonto dadaallada ku aaddan horumarinta adeegyada bulshada iyo taageerada dadka deegaanka,
Booqashada waxaa sidoo kale la socday gargaar la gaarsiiyaybulshada deegaanka, taasoo ka koobneyd raashin noocayo kala duwan ah.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska dowladda Jubbaland oo qeyb ka ahaa wafdiga tagay deeganada xeebaha ayaa sheegay in ciidanka Jubbaland ay hadda ku sugan yihiin dhammaan xeryihii ay ka baxeen ciidanka ATMIS ee gobolka.
Wasiirku waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in ciidamada Jubbaland ay si buuxda u taageereen ammaanka iyo xasiloonida deegaannadaas, iyadoo ciidamada Jubbaland ay ka shaqeynayaan sidii loo xaqiijin lahaa amni, nabadgelyo, iyo horumarinta guud ee gobolka.
Dadka deegaanka Buur-gaabo ayaa si weyn uga mahadceliyay booqashada mas’uuliyiinta iyo gargaarka la gaarsiiyay, waxayna muujisay in ay ka diyaar yihiin sidii ay uga shaqeyn lahaayeen isbeddel wanaagsan iyo horumarka deegaanka. Bulshada ayaa sidoo kale rajeynaysa in xaaladda amni ee deegaanka ay sii wanaagsanaan doonto, isla markaana ay dowladda Jubbaland sii wadayso taageerada iyo horumarka bulshada.