Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqda Insaanka ee Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ka daahfuray ololaha 16-ka bari ee ladagaalanka tacadiyada loo geysto haweenka iyo gabdhaha.
Ololahani oo sanadkiiba mar la qabtaa iyadoo diiradda la saarayo sidii loo yareyn lahaa tacadiyada ka dhan ah haweenka iyo gabdhaha ee ka jira bulshada. Kulanka daahfurka ololahan ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland, Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, qaar ka mid ah golaha wasiirada Jubbaland, xildhibaano, agaasimayaal, iyo haweenka degmada Kismaayo.
Qorshahan ayaa loogu talagalay in lagu kordhiyo wacyigelinta bulshada, laguna dadaalo in tacadiyada iyo cadaadiska lagu hayo haweenka iyo gabdhaha la yareeyo iyadoo la xoojinayo ilaalinta xuquuqda haweenka.
Ololahani waa mid muhiim ah oo ka tarjumaya xukuumadda Jubbaland iyo bulshada guud ahaan ee ka go’an in ay ka shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa xaqiijinta sinnaanta iyo cadaalada jinsiga ee dhammaan qaybaha bulshada.