Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowlada Jubbaland oo Kismaayo ka furtay Tababar ku saabsan dhexdhexaadinta ku dhisan Wadahadalka nabdoon

110
Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowlada Jubbaland ayaa Maanta Magaalada Kismaayo ka furtay Tababar ku saabsan dhexdhexaadinta ku dhisan Wadahadalka nabdoon, oo ay ka qayb galayaan oday dhaqameedyada, haweenka, iyo dhalinyarada.
Aqoon kororsigan ayaa diiradda lagu saaraya horumarinta xirfadaha Dhexdhexaadinta ee ku saleysan Wadahadalka nabdoon, si loo xoojiyo isku xirnaanta bulshada, loona taageero nabadda, iyadoo la abuuraayo habab waxtar leh oo xal loogu helo khilaafaadka bulshada dhexdeeda.
Tababarka oo uu si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, Mudane Cabdiwali Xuseen Jaamac, ayaa waxa ku Weheliyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jubbaland Nuurdiin Maxamed khaliif.