Banaan-bax Ballaaran oo Lagu Taageerayay Dib-u-doorashada Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam oo ka dhacay magalada kismaayo

63

Banaan-bax ballaaran oo ay soo qaban-qaabiyeen golayaasha dhalinyarada degmada Kismaayo, laguna taageerayay dib-u-doorashadii madaxwaynaha dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed

Islaam, isla markaana looga soo horjeeday colaadaha ay dowladda federaalka Soomaaliya ka hurinayso deegaanada Jubbaland, ayaa lagu qabtay garoonka kubadda cagta Waamo ee magaalada Kismaayo.

Banaanbaxan, oo ay boqolaal shacabka degmada Kismaayo ka qeyb galeen, ayaa lagu muujinayay dareenka ay ka qabaan xad-gudubka ay DFS ku hayso deegaanada Jubbaland’. Isku soo baxan waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah mudanayaasha labada gole ee dowladda Jubbaland, guddoomiyaha degmada Kismaayo, iyo masuuliyiin kale.