Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo la kulmay Gudoomiyaha KMG ah ee Golaha Baarlamaanka Jubbaland

99
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Gudoomiyaha KMG ah ee Golaha Baarlamaanka Jubbaland Mudane Sheekh Abdi Yuusuf Cali.
Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha KMG ah ee Golaha Baarlamaanka ayaa ka wada hadlay arrimaha Doorashooyinka iyo sidii si nabdoon oo hufan ay ugu dhammaan lahayeen qeybaha dhiman ee Doorashooyinka Jubbaland.