Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Jubbaland ayaa si xooggan uga soo horjeestay tallaabadii ugu dambeysay ee Golaha Shacabka Soomaaliya ee ansixinta Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha.
Warsaxaafadeedka ayaa si cad u sheegay in Dowladda Jubbaland ay mar walba u taagan tahay ilaalinta Dastuurka, sharciyada, iyo xeerarka dalka.
Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si joogto ah u xadgudubtay Dastuurka iyo sharciyada dalka, isla markaana ay fulisay arrimo muhiim ah iyada oo aan la tashan Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.
Warsaxaafadeedka ayaa intaas ku daray in hab-dhaqankaasi uu yeelan karo saameyn xun oo daran oo ku saabsan mustaqbalka dalka, taas oo keeni karta khilaaf siyaasadeed oo ballaaran, kuwaas oo waxyeello u geysan kara mustaqbalka Soomaaliya.