Dhalinyarada degmada Kismaayo oo taageerey mowqifka Dowladda Jubbaland ee arimaha Doorashooyinka.

77
Qeybaha kala duwan ee Dhalinyarada degmada Kismaayo ayaa  magaalada ku qabtay kulan balaaran, oo ay ku taageerayeen mowqifka Dowladda Jubbaland ee arimaha Doorashooyinka.
Haldoorka Dhalinyarada oo inta badan kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in aysan gorgortan ka galaynin, taageerada iyo garab istaagga dowladda ee arimaha doorashooyinka iyo xoojinta amniga deegaanada Jubbaland.