Golaha Wakiilada Dowladda Jubbaland ayaa maanta yeeshay kalfadhiga 5-aad fadhigiisa 10-aad oo ajendihiisu ahaa ansixinta Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland oo uu soo magacaabay Madaxweynaha Dowladda Jubbaland.
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay magacabay Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo dorashoyinka Jubbaland
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Jubbaland mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo kulanka gudoominayay ayaa cod galiyay ansixinta Gudiga dhamaan xildhibaanadii soo xaadiray kullanka waxa ay u codeeyeen ansixinta sida uu warbaahinta u faah-faahiyay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland.