Mid kamid ah beelaha dega Jubbaland oo taageerey Go’aankii Jubbaland ay ka qaadatey DFS

85
Beesha Harti oo kamid ah Beelaha daga deegaanada Jubaland ayaa taageeray go’aankii Madaxweynaha Dowladda Jubaland uu ka qaatay arrimaha Doorashooyinka dalka iyo qodobadii kaso baxay war-murtiyeedkii ay soo saareen Golaha wadatashiga Qaranka oo aan loo dhameyn kaasi oo ahaa in Madaxda Dowlada dhexe ay ka gaabiyeen waxyaabihii sahli lahaa in doorasho mideysan oo qof iyo cod ah guud ahaan dalka ay ka dhacdo.
Odoyaasha iyo Haweenka Beesha Harti ee daga deeganada Jubaland ayaa cadeeyay in Madaxweynaha Dowlada Jubaland uu qaatay go’aan geesinimo leh kaas oo ah in Dowlada Jubaland ay xor u tahay in ay qabsato doorashadeeda si meesha uu uga baxo in uu imaado firaaq dastuuri ah.