Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Dowladda Jubbaland oo soo xirey Shirka dib u heshiisiinta degmada Luuq

68
Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Dowladda Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa magaalada Kismaayo kusoo xiray Shirka dib u heshiisiinta Beelihii Walaalaha ahaa ee ku dagaalamay degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u heshiisiinta Jubbaland ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada, Maamulka gobolka, kan degmada, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxweynaha ayaana ugu danbayn ugu baaqey dadka walaalaha ah ee wada daga Luuq inay nabad ku wada noolaadaan oo aysan isku layn waxaan dani oogu jirin .