Wasaaraddaha gargarka iyo biyaha dowladda jubaland oo kulan sidii adeega biyaha loo gaarsiin lahaa deegano hoos yimaada kismaayo

66
Wasaaradda Gargaarka Iyo Maarenyta Musiibooyinka Jubbaland oo kaashaneysa Wasaaradda Tamarka iyo kheyraadka Biyaha Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ee wadajir ugu qabtay kulan looga hadlayay sidii wax loogu qaban lahaa deegaano badan oo hoos yimaada magaalada Kismaayo oo ay biyo la’aan baahsan kajirto.
Agaasimayaasha Wasaaradda Gargaarka iyo Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha waxaa kulanka ku weheliyay Gudoomiye kuxigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo
Barakacyaasha iyo xubno kale oo kasocday Hay’adaha ka howlgala magaalada Kismaayo.
Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay kahortagga abaaraha kuso wajahan dalka iyo sidii loo yareen lahaa saameynteeda iyado Hay’adaha Dowladda iyo kuwa ka shaqeeya arimaha gargaarka ay iska kaashan doonaan wax ka qabashada arimaha isbadalka cimilada.