Qaar kamid ah golaha Wasiirada Jubbaland oo Kormeer Ku Tagay deeganka Buulo-Xaaji

93

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, iyo Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha, General Aadan Axmed Xaaji, ayaa maanta gaaray degaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubada Hoose. halkaas, waxay kula kulmeen ciidanka Darawiishta Jubbaland, gaar ahaan Guutada Birjeex.
Mas’uuliyiinta ayaa booqashadooda ku qotomeen in ay u kuurgalaan xaaladaha ciidanka, dhiirigelinta, iyo in ay ka foojignaadaan dhagarta khawaarijta.
Socdaalka Mas’uuliyiinta wuxuu ku soo beegmay xilli ciidamada geesiyada ah ay weerar ku qaadeen khawaarijta oo ku dhuumaalaysanayo agagaarka degaanka, taasoo keentay in khawaarijta ay qasaaro xoogan gaarto.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale la kulmay Taliyaha Guutada Birjeex iyo saraakiisha ciidanka, iyagoo ka wadahadlay xaaladda amni ee degaanka iyo howlgalada ay ciidamada ku baacsanayaan khawaarijta, oo ay ka mid yihiin howlgaladii maanta oo ay ku jabiyeen khawaarijta.
Xubnaha wasiirada ayaa sidoo kale Kormeeray saldhiga ciidanka deeganka Buulo Xaaji halkaas oo ku sugnaayeen saraakiil iyo ciidan u howlan shaqada ay shacabka u hayaan.