Mid ka mid ah jilayaasha ugu caansan Hindiya oo ku dhawaaqey xisbi siyaasadeed.

97
Jilaaga caanka ah ee filimada Hindiya , Joseph Vijay ayaa maalin ka hor ku dhawaaqay xisbi siyaasadeed uu dhisay oo loo bixiyay Tamilaga Vettri Kazhagam (TVK). Ku dhawaad hal milyan oo qof ayaa isugu soo baxay goobta looga dhawaaqay xisbigan oo jilaagan uu ku soo bandhigay qorshihiisa siyaasdeed.
Wuxuu awooday inuu si dhaqso ah u dhaleeceeyo xisbiga Hindiya hoggaamiyaha ee BJP oo uu ka tirsan yahay Ra’iisul wasaaraha Hindiya, Narendra Modi iyo xisbiga gobolka Tamil Nadu aqlabiyadiisa heysta ee DMK — wuxuu ku sheegay kuwa doonaya inay burburiyaan jiritaanka dadka oo ay ka dhigaan, kuwa ay ku hagaan danahooda , nidaamka siyaasadda iyo awoodana ka dhigtay wax ay danahooda ku gaaraan, iyagoo si aan xad lahayn ugu kacaya musuq maasuq, markiiba hadalladan si dhaqso ah waxaa ugu sara-joogsaday illaa 900,000 oo qof oo goobta joogtay.
Vijay, wuxuu caddeeyay inay jiraan hanjabaado badan oo uu la kulmayo uuna filanayo xataa in la iskudayi doono in la dilo, balse waxa uu uga soo tagay nolashiisa raaxada iyo shaqadii dhaqaalaha badan ay ka soo galaysay , maaddama uu ahaa jilaaga ugu mushaarka badan koonfurta Hindiya inay tahay sidii uu nolashiisa ugu hoggaamin lahaa bulshada inuu beddelo oo uu tuso, kuwa karaamo leh oo iyaga awoodda oo dhan gacantooda ay ku jirto inay yihiin.