Aqalka Sare BJFS oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada

98
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada oo golaha ay hor geysay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ee XFS, 29 Senator ayaa ogolaatay in la meelmariyo sharcigan, mana jirto cid diiday ama ka aamustay.