Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay dadaallada joogtada ah ee ay ku bixinayaan gacansiinta Ciidanka Boliiska, si loo xaqiijiyo ilaalinta badqabka shacabka, xasilloonida iyo sugidda amniga dalkeenna.
Taliyaha ayaa xusay in dadweynuhu ay kaalin muhiim ah ka qaateen adkeynta amniga caasimadda muddadii lagu guda jiray munaasabaddii soo dhaweynta Markabka ORUÇ REIS ee ka qabsoontay Dekedda Muqdisho, isaga oo sheegay in taas ay muujineyso sida ay laamaha boliiska Soomaaliyeed uga go’an tahay xoojinta isku xirnaanta iyo iskaashiga shacabka iyo Ciidamada.
Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa qeybaha kala duwan ee Ciidamada Boliiska faray in ay sii labo laaban dadaaladooda nafhurnimada leh si ay uga feejignaadan dhagarta Cadowga, isaga oo adkeeyey ahmiyadda ay leedahay in shacabku ay si dhow ula shaqeeyaan Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed.