Deegaanka Yurkud oo ay ku barakaceen dad danyara ayaa la gaarsiiyay deeq raashiina oo ka timid Madaxweynaha Dowladd gobaleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam
Deeqdan raashiinka ah ayaa isigu jirtay Bur, Bariis, Sokor, Saliid si loo gaarsiiyo dadka ku barakacey deegaanka Yurkud ee gobolka Gedo.
Qoysaskan deeqda la gaarsiiyay ayaa dhawaan ka barakacay degmada Luuq ee gobolka Gedo halkaas oo ay shaqaaqo ku dhexmartay beelo walaalo ah oo kamida kuwa dega degmadaasi.