Maamulka dowlada hoose ee Kismaayo oo bilaabay baneenta wadooyin hor leh.

87
Iyadoo laga duulayo horumarinta iyo dhismaha wadooyinka sidookalana shacabka la farayo inay qaataan awaamiirta maamulka dowlada hoose ee degmada kismaayo
Ayaa saaka gudoomiyaha degmada kismaayo ahna duqa magaalada Cumar Cabdullaahi (Faraweyne) oo ay wehliyaan Gudoomiyaasha xaafadaha , injineerada Dowladda hoose, iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Booliiska waxay bilaabeen cabirka wadada Ceelminishiibiyo oo isku xirta xaafadaha farjano iyo Faanoole .
Sidookale shacabka xaafadaasi dagan ayaa la farey in mudo sodon cisho ah ay ku baneeyaan cariiriga ay guryaha ku keeneen wadadan si loo bilaabo dhismaha wadadan.