Wasiirka Qorshaynta Jubbaland oo xalay Caasimadda Oslo ee Dalka Norway kula hadlay Jaaliyadda Jubbaland ee dalkaas

93
Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubbaland Mudane Cabdiraxman Cabdi Axmed ayaa xalay Caasimadda Oslo ee Dalka Norway kula hadlay Jaaliyadda Jubbaland ee dalkaas Dagan oo u hammuun qabay farriin Dowladeed.
Wasiirka ayaa warbixin qoto-dheer ka siiyey Horumarka iyo Haykalka Dowladnimo ee laga yagleelay Jubbaland sida; Arrimaha Amniga, dhisidda Kaabeyaasha Dhaqaalaha, Maalgashiga, Tayeynta Hay’adaha Dowladda iyo Hoggaanka Siyaasadda, Isaga oo kula dar-daarmay inay ka qayb qaataan horumarka deegaanka.
Masuuliyin iyo Aqoonyahano katirsan Jaaliyada oo Madasha ka hadlay ayaa Wasiirka ooga Mahadceliyay warbixinta iyo Xogaha uu ka siiyay guud ahaan Somaliya gaar ahaan Jubaland.
” width=”18″ height=”18″ />