Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland mudane Abdirahman Abdi Ahmed ayaa Caasimadda Oslo ee Dalka Norway kulan kula qaatay Madaxa Xasilinta iyo Horumarka ee Wakaaladda Iskaashiga Horumarka Norway ee (Norwegian Development Cooperation Agency) Madam, Gunvor Wittersø Skancke iyo madax kale.
Wasiirka ayaa masuuliyiinta kala hadlay iskaashiga arrimaha Horumarka, Maalgashiga iyo Xasilinta Deegaanada Jubbaland, Sidoo kale wuxuu kala hadlay horumarinta arrimaha Waxbarashada iyo hirgelinta xarumo lagu barto Farsamada Gacanta iyadoo ahmiyad la siinayo Xirfadaha Wax-soo-saarka sida; Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumeysiga.
Ugu danbeyntii, Waxaa la isla qaatay dardargelinta iskaashi xoog leh, Waxaana uu Wasiirku uga Mahadceliyey Dowladda Norway taageerada ay u fidineyso Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland.