Kismaaayo oo maanta lagu qabtay daah-furka mashruuca horumarinta adeegyada Xuquuqul Insaanka ee Hay’adaha Dhaqan celinta iyo Cadaaladda

120
Magaalada Kismaaayo ayaa maanta lagu qabtay daah-furka mashruuca horumarinta adeegyada Xuquuqul Insaanka ee Hay’adaha Dhaqan celinta iyo Cadaaladda ah mashruuc ka shaqeyn doona magaaloyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Muqdisho.
Daah-furka mashruucan waxaa kaso qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka, Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha, xubno kasocday Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka, Shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda, saraakiil kasocday ciidanka Asluubta, Sharci yaqaano, gudigga u qareemidda Maxaabiista iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.